Dowlada Puntland oo hawada ka saartay Radio Daljir

Update: War hada soo gaaray qaybta warqabadka Faaqidaad wuxuu sheegaya in Dowlada Puntland hawada ka saartay idaacada Daljir qaybteedii Boosaaso.

Dowlada ayaa horay albaabada isugu dhufatay xaruntii idaacadaasi ku lahayd Garoowe, Sidii aanu horay idiin ku warbixinay.

Warkii hore.

Booliska Puntland ayaa goor dhoweyd albaabada isugu dhuftay xaruntii idaacada Daljir ku lahayd Garoowe, Sida uu Faaqidaad u xaqiijiyey weriye ku sugan Garoowe.


Ciidanka ayaa amar ku siiyey weriyayaasha inay joojiyaan shaqada, Isla markaana baneeyaan xafiiska hadii kale ay xabsiga u taxaabi doonaan.

Xarigan ayaa ku soo aadaya xili uu maanta Wasiirka Warfaafinta Puntland ku hanjabay inuu dili doono weriyayaasha ka hawlgala deegaanadaas.


Hanjabaada Soocade ayaa timi kadib markii Daljir waraysi ka qaaday Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamed Gallan oo isagu si weyn ugu kacsan Xukuumada Madaxweyne Gaas.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.