Domenico Scala Madaxii Gudiga hantidhowrka FIFA oo is casilay

Domenico Scala oo ahaa madaxa Gudiga Hantidhowrka FIFA ayaa is casilay isagoo ka caraysan dib u qaabaynta lagu wado Hay’ada maamuusha kubada cagta dunida.

Domenico Scala.
Domenico Scala.

Scala wuxuu ka carooday Golaha cusub ee FIFA kuwaas oo awood u leh inay magcaabaan ama shaqada ka eryaan kuwa madaxda ka ah Gudiyada sida Hantidhowrka, Anshaxa iyo Maaliyada.

Golaha ayaa bedelay Golihii fulinta ka gadaal markii ay ururkaas hareeyeen fadeexado musuqmaasuq.

“Gudiyada ayaa noo diiday madaxbanaanidii” Ayuu yiri Domenico Scala oo la hadlayey warfidiyeenada laakiin FIFA ayaa beenisay eedahaas.

Wuxuu sheegay guulihii laga gaaray maamul wanaaga inay wiiqayaan isbedelada ururkaas lagu wado.

FIFA ayaa aqbashay iscasilaada Domenico Scala waxayna si ku meel gaar ah gudigaas madax uga dhigeen Ku xigeenkiisii Sindi Mabaso iyagoo balan qaaday inay ixtiraamayaan madaxbanaanida gudigaas.

Scala ayaa door muhiim ah ka qaatay sidii ururkaas loo qaabayn lahaa kadib markii ay hareeyeen fadeexado sababay inuu xilka ka tago Madaxweyne Sepp Blatter iyo dhigiisii Uefa Michel Platini.

Blatter ayaa ururkaas soo hogaaminayey tan iyo 1998 laakiin bishii December, 2015 ayaa laga mamnuucay ciyaaraha mudo 6 sano ah kadib markii lagu helay inuu jebiyey xeerarkii anshaxa.

Gianni Infantino Madaxweynaha cusub ee FIFA ayaa horay u balan qaaday isbedel.
Gianni Infantino Madaxweynaha cusub ee FIFA ayaa horay u balan qaaday isbedel.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.