Dhakhtar Soomaali ah oo Haweenay kaga dhex umuliyey Garoonka Diyaaradaha Dubai

Hooyo 37 jirka ah kana soo jeeda Filibiin ayaa fooshu ku qabsatay garoonka diyaaradaha Dubia, Laba todobaad ayuu ilmuhu kasoo hormaray xiligii dhakhaatiirtu u qabteen.


Cunuga dhashay oo wiil ah waxa loo bixiyey Mateo Fahad, Culayskiisu waa 3.2kg, Hooyadda dhashay ayaa lagu magcaabaa Carmila Flores.

Wexey qorshaynaysay inay aaddo caasimada dalkeeda Manila, Iyadoo ku safraysay diyaarada Philipino Airline.

Dr. Cabdirisaaq Xuseen Jaamac Cali oo ah dhakhtar ku takhasusay caafimaadka qoysaska ayaa uga waramay dhacdadan kediska ah Wargayska Gulf News:

”Waxa isoo gaarey taleefoon iiga yimi qolada gargaarka deg’dega ah iyagoo igu war geliyey haweenay ku foolanaysa Garoonka dhexdiisa, waxan ula cararnay Kiliinik ku yaal Terminalka 1aad” Ayuu yiri Dr. Cali.

Dr. Cali oo u tababaran gargaarka deg’dega ee sahlan ilaa xaaladaha halista ah ee istaaga wadnaha, Wuxuu diyaar u ahaa wax ka qabashada xaaladaha noocan oo kale ah.

“Sida caadiga ah dumarka dhalaya waxaan u dirnaa Latiifa Hospital, Laakiin markii aan ogaadey in ilmihii madaxa lasoo baxay waxan go’aan saday inaan ka umuliyo anigoon haysan qalabka umulinta” Ayuu sii raaciyey.

“Iminka hooyada iyo cunugeeduba caafimaad ahaan aad ayey u fiican yihiin” Sida uu xaqiijiyey Cali.

Mateo Fahad ayaa loo bixiyey cunuga.
Mateo Fahad ayaa loo bixiyey cunuga.

Cali oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya horay wuxuu gacan u siiyey haween umulaya markii uu dalkiisa joogay, Hase ahaatee 22kii sano ee ugu danbeeyey wuxuu ku noolaa Imaaraadka.

Laanta Gargaarka Degdega ah ee Dubai ayaa sheegatay inay iyagu ka umuliyeen haweenaydan ka hor intii aanu soo gaarin Dr. Cali.

Laakiin Hooyada dhashay ayaa u xaqiijisay Wargayska Gulf News in qofkii ka umuliyey uu ahaa Dr. Cali.

Dr. Cali wuxuu u shaqeeyaa Hay’ada Caafimaadka Dubai oo magaceeda loo soo gaabiyo (DHA).

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad, Warkan waxaanu ka soo xiganay Wargayska Gulf News oo ah kan ugu weyn dalka Imaaaraadka(Akhri).

Leave a Reply

Your email address will not be published.