Damalaxagare oo xarun caafimaad laga dhagax dhigay

Waxaa Magalada Damalaxagare Ee Gobolka sanaaga Laga Dhagax Dhigay MCH xaruunta Hooyada Iyo Dhalanka oo markii ugu horeeysey ay yeelan doonto degaanka Damalaxagre ee gobolka sanaag.

Xaruntan ayaa waxaa dhisidoona dadka degaanka oo sheegay in ay ku hirgelindoonaan si iskaa wax u qabso ah,
dhagax dhigan ayaa waxaa goob joog ahaa Odaysha Magalada,Ururka Haweenka Damalaxagare Ee Hanoqaad iyo Ururka dhalinyarada Cardam Group.

Waxaa Goobtaa Ka hadlay gudoomiyaha magalada Damalaxagare sheikh Ali Siciid Ducaale,oo baaq U diraya Hay’adaha Ka Shaqeeya Caafimaadka,wasaarada caafimadka Puntland iyo Jaaliyadaha U dhashay Degaanka.

dhagxWaxaa Isna halkaa Ka Hadlay Kusimaha Nabadoonka Siciid Daarood Oo sheegay In Damalaxagare Baahi weyn U qabto Goob Caafimaad Oo Ay Ugu Horayso Goob Lagu Talo Galay Hooyada Iyo Dhalanka wuxu sheegay In Dumarka Uurka Leh Ay Halkan Ku Dhibtoodaan oo Mararka Qaar loola cararo magaaloyinka ceerigaabo iyo Qardho oo Aad uga fog damalaxagare.

Waxaa isna hadal kooban soo jeediyeey Oday hassan Abdi warsame oo Ka Mid Ah Odayasha Degaanka Damalaxagare.

Sheegayna Inaysan damalaxagare Lahayn Cusbitaal,Ambalas Iyo Mch toona ugu damayan shacabkii goobta ka hadalay ayaa Dawladda Puntland iyo Qurbajoogta reer Sanaag ugu baqaay in ay ka qayab qaatan xarunta caafimadka degaanka Damalxagare ee gobolka sanaag

Da’ud Maxmud Dirir

Leave a Reply

Your email address will not be published.