Dalka Ingiriisku waa ka baxay Midowga Yurub

Dadweynaha Ingiriiska ayaa u codeeyey in dalkoodu ka baxo Midowga Yurub, Kadib markii ay u dareereen afti 23kii Jun.


Dowlada ayaa weydiisay dadka in dalkoodu xubin ka sii ahaado Midowga Yurub iyo inay iskaga baxaan, Inta badan waxay u codeeyeen in laga baxo.

Raysal Wasaare Cameron, Inta badan Golihiisa Wasiirada, Xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Shaqaalaha iyo inta badan Xisbiyada kale ayaa dadka ku boorinayey in dalku ku sii jiro Midowga Yurub.

Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ah, 7 Wasiir, Xisbiga UKIP iyo Xildhibaano tiro yar oo ka tirsan Xisbiga shaqaalaha ayaa olole xoogan u galay sidii ay dadka ugu qancin lahaayeen in la baxo.

Ganacsatada ayaa si weyn ugu kala qaybsamay aftidan, Qaar badan ayaa ka digay in dhaqaalaha dalku isku daadan doono hadii laga baxo Yurub.

Waxaa jiray tiro badan oo ganacsato ah oo aaminsanaa in mustaqbalka fog ee dhaqaalaha dalku ay ku jirto in laga baxo Midowgaas.

Lacagta Ingiriiska ee loo yaqaano poundka ayaa si weyn hoos ugu dhacday, 1kii pound wuxuu gaaray 1.34$ waana halkii ugu hoosaysay tan iyo sanadii 1985.

Dhamaan hogaamiyayaasha Yurub ayaa doonayey in Ingiriisku xubin ka sii ahaado Midowga.

Weli si rasmi ah looguma dhawaaqin natiijada aftida, Waxaase cadaan ah in dadka Ingiriiska intooda badan u codeeyeen in laga baxo Midowga Yurub. (HALKAN RIIX SI AAD ULA SOCOTID TIRINTA CODADKA OO TOOS AH).

Ingiriisku waa ka baxa Midowga Yurub.
Ingiriisku waa ka baxa Midowga Yurub.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.