Daawo:- Madaxwaynaha Puntland ”kuwa diidan Dawladnimada Alshabaab ayay Canshuurta siiyaan”.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si adag uga hadlay xirnaanshaha suuqayada Boosaaso oo maalmahaan u xirnaa Canshuur ay diideen inay bixiyaan ganacsatada guryaha ganacsiga iska leh.

Madaxwaynaha ayaa sheegay inaan canshuurta lagu lahayn dadka dukaamadu u kiraysan yihiin balse canshuurtaan lagu leeyahay dadka iska leh dhismayaasha ganacsiga ayna waajib dastuuri ah tahay inay bashaan, maadaama golayaasha dawladda la mariyay canshuurta laga cabanayo.

”Dawladnimo ma jirayso hadii aan canshuurta la bixin dal walbana waxa uu ku horumaray waa canshuurta uu ka qaado shacabkiisa, waxaan iidiin sheegayaan in wax kala soocnaya aysan jirayn hadii iid naan cashuurta iska bixin”Ayuu yiri Madaxwaynaha Dawladda Puntland.

” Boosaaso oo laga soo sheegay diidmadda cashuurta markii ugu danbeysey ee aan tegey waxaan ka soo dhagax dhigay wadadii 13aad  oo magaalada bilicdeeda iyo horumarinteeda ah, intasoo ciidan ah baa joogta oo ka hawl gasha ilaalinta nabad gelyadeeda, international Airport baa laga dhisay, balaadhinta iyo dib u casriyaynta dekedii baa la bilaabayaa, mashruucii ugu weynaa Puntland ee ah biyo gelinta ayaa ka bilaaban doona Boosaaso iyo solar system {Solar Light}  kii ayaa isna dhowaan rajaynaynaa inuu ka bilaabmo”  ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in ay cashuur siyaan Al-shabaab qaar kamida ganacsatada diidaysa cashuurta sharciga ah ee Dawladda, waxaana uu xaqiijiyey Madaxweynuhu in dadka dhaqankaa lihi ay dawladda uga dhigan yihiin Al-shabaab oo kale, isla markaana uu hadaf  koodu yahay inay dalka dhaxal kiisa ku wareejiyaan Al-shabaab.

” Waxaan idiin sheegaya oo aan ognahay kuwa intaas diidan oo dawladd-nimada shidaynayaa  inay qaar kood Al-shabaab siyaan cashuur, nin ka raba Al-shabaab inuu siiyo cashuur dawladdana u diido shacuurta micneheedu Maxay tahay?  micneheedu waxay tahay Al-shabaab waa dilikaraan laakiin dawladdu ima dilikarto imana xidhi karto weeye, qof ka noocaasi anaga wuxuu noola mid yahay dabcan  Al-shabaab saas ayaan u qaadanaynaa, waa qof  raba inuu dalkan dhaxal wareejiyo kuna wareejiyo Al-shabaab, saas anoo u sheegay dadka shacabka ah ee reer Puntland Gaalkacayo ama Badhan hajoogaane waa dad aaminsan dawladd-nimada.

Hoos ka daawo Shirka Jaraa’id ee Madaxwayne Gaas.

Faaqidaad.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.