Ciyaaraha Euro ee sanadkan 2016

Ciyaar amaankeeda aad loo sugayey oo labada kooxood dhexmartay ayaa ugu dambayn guushu raacday France, kadib markii daqiiqadii 89aad uu goolka guusha u dhaliyey Payet oo u dheela kooxda Westham.

Faransiisku wuxuu kaga badiyey 2:1 Romania
Faransiisku wuxuu kaga badiyey 2:1 Romania

Oliver Giroud ayaa goolka furitaanka u dhaliyey France daqiiqadii 58aad, halka goolka barbardhaca ay la timi Romania Todoba daqiiqo kadib.

Faransiiska oo labadii koob ee ugu dambayeey oo dhulkooda lagu qabto ku guuleysatey – Euro 1984 iyo Koobkii Aduunka 1998, ayaa ka mid ah Kooxaha looga cabsi qabo qaaditaanka koobkan.

Guusha Faransiisku gaarey ayaa dhiiri gelin weyn u ah Macalinka Xulka Faransiiska Dedier Dischams, oo cayaartooy dhowr ah uga maqanyihiin ganaax iyo dhaawac.

Euro 2016 ayaa markii ugu horeysey waxa ka qayb gelaya 24 kooxood, horay Euro waxa ku tartami jirey 16 kooxood.


Labada kooxood oo kaalimaha koowaad iyo labaad kagala 6da guruup oo kooxuhu u qaybsanyihiin ayaa u gudbi doona wareega 16aad.

Sidoo kale afarta kooxood oo ugu dhibca bata kooxaha gala kaalimaha sadexaad ayaa u gudbi doona wareega 16aad.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.