Ciidan si gaar ah u tababaran oo hawlgal ka fuliyey Calmadoow

Raxan diyaaradaha qumaatiga u kaca ah oo sida Ciidan si gaar ah u tababaran ayaa fiidnimadii Arbacada ku degey buurta Calmadoow gaar ahaan halka loo yaqaan Biyo-madoow, Sida ay Faaqidaad u sheegeen dadka deegaanku.


Rasaas culus oo dhulka la isku weydaarsanayey iyo duqayn dhinaca cirka ah ayaa markiiba aagaas ka bilaabantay, Sida ay xaqiijinayaan wararka aanu halkaas ka helnay.

Sidoo kale, Maalinimadii Khamiista ayey markale diyaaraduhu duqeeyeen deegaanada kala ah Mayra, Siiban iyo Dul oo dhamaantood ku xeeraan Biyo madoow.

Wararka laga heli karo Calmadoow ayaa ah mid kooban maadaama deegaanadaasi aanayn lahayn wax isgaarsiin ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo gaaray Macagta, Ayaa leh goobaha la duqeeyey waxaa fariisimo ku lahaa ururka Al-Shabaab garabkiisa ku dhuumaalaysanaya buurahaas oo markii hore saldhigoodu ahaa Galgala.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa u sheegay Faaqidaad inaysan wax xog ah ka ahayn duqayntaas balse ay xaalada si dhow ula socon doonaan.

Sanooyinkii ugu danbeeyey waxaa gabaad ka dhiganayey buuraha ku teedsan Degmada Galgala maleeshiyaad ka tirsan ururka xag jirka ah ee Al-Shabaab.

Buuraha Calmadoow.
Buuraha Calmadoow.

Dadka deegaanka ayaa ku eedeeya Puntland inaysan daacad ka ahayn sidii loo soo afmeeri lahaa hawlgalkaas, Isla markaana ay uga faa’iideysanayso joogi taanka Al-Shabaab dano siyaasadeed.

Garoowe si joogta ah ayey u beeninaysay eedahaas, Waxayna ku doodayaan in buuraha Al-Shabaab ku dhuumaalaysanayaan yihiin kuwo qalafsan oo aanay Ciidamadoodu awood u lahayn inay galaan.

Wadashaqayn la’aanta dowlada, dadka deegaanka iyo shekiga siyaasadeed ee ku kala jira ayaa curyaamiyey dadaal kasta oo loo geli lahaa sidii Maleeshiyada Al-Shabaab looga adkaan lahaa.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.