Ciidamada Soomaaliya ayaa weeraray Geed Timir iyo Toorow Toorow

Ciidamada Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Midowga Afrika ayaa weeraray Deegaanka Geed Timir oo ka tirsan Degmada Ceelbuur halkaas oo ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha Dowlada ayaa sheegay inay ku dileen hawl galkaas maleeshiyaad ka tirsan ururka xag jirka ah ee Al-Shabaab laakiin ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijin kara sheegashadaas.

Sidoo kale Taliska Ciidamada Xooga Dalku wuxuu sheegay in cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano DANAB ay hawlgal ka fuliyeen deegaanka Toorow Toorow oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

Ciidamada Soomaaliya.
Ciidamada Soomaaliya.

Maalinimadii shalay Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay inay fashiliyeen hawl gal Ciidamada Maraykanku ka fulin lahaayeen deegaankaas ayna ku khasbeen inay dib u noqdaan diyaaradaha qumaatiga u kaca oo waday raxan ciidamo ah.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Ciidamada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas laga gaaray ujeedkii lagala lahaa isla markaana ay ku guulaysteen inay burburiyaan saldhig Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen Toorow Toorow halkaas oo sida ay xuseen lagu kaydin jiray dhaqaalaha kooxdaas.

Dowlada Soomaaliya oo taageero ka helaysa Beesha Caalamka ayaa dagaal kula jirta mudo dheer kooxda Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh ururka Al-qaacida waloow Dowladu sanooyinkii ugu danbeeyey gaaraysay guulo la taaban karo hadana awooda maleeshiyadaas mayalka adki ma ahan mid la dhalyalsan karo.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.