Daawo:- Madaxwaynaha Puntland ”kuwa diidan Dawladnimada Alshabaab ayay Canshuurta siiyaan”.

Daawo:- Madaxwaynaha Puntland ”kuwa diidan Dawladnimada Alshabaab ayay Canshuurta siiyaan”.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si adag uga hadlay xirnaanshaha suuqayada Boosaaso oo maalmahaan u xirnaa Canshuur ay diideen inay bixiyaan ganacsatada guryaha ganacsiga iska leh. Madaxwaynaha ayaa sheegay inaan canshuurta lagu lahayn dadka dukaamadu u kiraysan yihiin balse canshuurtaan lagu leeyahay dadka iska leh dhismayaasha ganacsiga ayna waajib dastuuri ah […]

Mooshin ka dhan ahaa Khayre oo fashilmay

Mooshin ka dhan ahaa Khayre oo fashilmay

Mooshinkii ay wadeen qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka dhanka ahaa Raysal Wasaare Khayre waa fashilmay. Xildhibaano badan oo horay u saxiixay mooshinka ayaa dib uga gurtay markii ay cadaadis balaaran kala kulmeen dhinacyo dhowra. Urur siyaasadeedka Daljir iyo Kooxda Damuljadiid ayaa la rumaysanyahay inay riixayeen mooshinka saqiiray. Sida la tuhunsanyahay waxaa […]

Israa’iil oo tijaabisay gantaal dunida ku cusub

Israa’iil oo tijaabisay gantaal dunida ku cusub

Wasaarada Difaaca Israa’iil waxay ku guulaysatay inay markab ganacsi dushii ka rido gantaal kuwa ridada dheer ah oo bartilmaameedsan kara 400KM. Gantaalkan waxaa qaadi doona oo uu cabir ahaan le’egyahay Kontaynar isagoo lagu xambaari doono maraakiibta caadiga ah ee ganacsiga. IAI oo ah shirkad ay leedahay dowlada Israa’iil ayaa soo saartay gantaalkan oo ah kuwa […]

Sidee reer Puntland u arkaan Gaas?

Sidee reer Puntland u arkaan Gaas?

Intii u dhexeysay 17kii ilaa 21kii Jun warsidaha Faaqidaad wuxuu sameeyey sahan uu ugu kuurgelayey sida reer Puntland u arkaan Madaxweynahooda. Waxaanu sahanka su’aalo ku weydiinay 291 qof oo kala jooga dhamaan Gobolada Puntland iyo 98 ku nool qurbaha balse asal ahaan ka soo jeeda maamulkaas. Madaxweyne Gaas ma qabtay shaqo fiican? Ma aaminsantahay inuu […]

Turkiga oo ku gacansayray dalabkii Sucuudiga

Turkiga oo ku gacansayray dalabkii Sucuudiga

Turkigu wuxuu ku gacansayray dalabkii Sucuudiga ee ahaa inuu xiro saldhigiisa ciidan ee Qadar si xal loogu helo xiisada Khaliijka. Wasiirka Difaaca Turkiga Fikri Isik ayaa sheegay inuusan weli arag dalabka, balse aysan marnaba xiri doonin saldhigooda. Ankara waxay ku doodaysaa saldhigu inuu damaanad qaad amni u yahay Khaliijka aysana aqbali doonin codsi kasta oo […]

Maraakiibta Ruushka oo duqeeyey Suuriya

Maraakiibta Ruushka oo duqeeyey Suuriya

Labo markab iyo gujis ay leeyihiin Ciidanka Badda Ruushka ayaa gantaalada Kalibr ku ganay Suuriya, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigu. Gantaaladan oo lala beegsaday kooxda la magacbaxday Khilaafada Islaamka (IS) haraadigii ka badbaaday waxaa lagu duqeeyey diyaarado. Maraakiibta duqaynta geystay waxay ku sugnaayeen bariga badda Mediterraneanka, halka uu gujisku ka ganay gantaalada badda hoosteeda. Qoraal […]

Sucuudiga oo Qadar hor dhigay shuruudo adag

Sucuudiga oo Qadar hor dhigay shuruudo adag

Xulufada uu Sucuudigu hogaamiyo ee go’doominta ku haya Qadar ayaa u soo bandhigay 13 shuruudood oo hadii ay fuliso lagaga qaadi doono xayiraada. Sida laga dalbaday mudo 10 maalmood ah Qadar waa inay xiriirka ugu jarto Iiraan, damiso warbaahinta Aljazeera, ayna xirto saldhiga ciidan ee Turkiga. Shuruudahan oo loo gudbiyey Kuweyt oo garwadeen ka ah […]

Shiinaha oo aad looga cuno hilibka Eyga

Shiinaha oo aad looga cuno hilibka Eyga

Sida la aaminsanyahay waxaa sanadkii lagu cunaa dal weynaha Shiinaha in ka badan 10 Malyan oo Ey, sida ay shaacisay hay’ada Humane Society ee fadhigeedu yahay Washington. In la cuno hilibka Eyga waa ka sharci Shiinaha waxaana si caadi ah loogu gadaa suuqyada, balse qaar badan oo ka mida ayaa lagu kala gataa suuq madow si aan loo […]

Jarmalka oo masaafuriyey kumanaan qaxooti ah

Jarmalka oo masaafuriyey kumanaan qaxooti ah

Jarmalku wuxuu dib u bilaabayaa todobaadka dambe hawlgal uu ku masaafurinayey qaxootiga ka soo jeeda Afqaanistaan ee diidmada la siiyey, sida ay ku warantay warbaahintu. Jarmalka ayaa hakiyey qorshe muran badan dhaliyey oo uu soo-galooti ku masaafurinayey kadib markii bilowgii bishan uu weerar weyni ka dhacay caasimada Afqaanistaan ee Kabuul. Markuu weerarku dhacay ayey ku […]

Qarax ka dhacay Brussels

Qarax ka dhacay Brussels

Booliska Biljamku waxay toogteen la-tuhunsane kadib markii uu qarax ka dhacay xarun tareemada laga raaco oo ku taal Brussels. Dacwad-oogaha ayaa ku tilmaamay dhacdadaas mid argagixiso, isagoo sheegay inuu dhintay qofkii la toogtay. Ciidamo waardiye ka hayey xarunta dhexe ee tareemada laga raaco ee Brussels ayaa toogtay eedaysanaha. Toogashadu waxay dabo socotay qarax yar oo […]

1 2 3 53