Isku aadka Koobka Kooxaha Yurub

Isku aadka Koobka Kooxaha Yurub

Kooxaha Man City iyo Barcelona ayaa ku wada jira Group C, Barcelona ayaa laba jeer Man city wareega 16aad ku reebtay sadexdii sanadood ee u dambeeyey. Arrinta xiisaha leh ayaa ah Pep Guardiola oo horay u soo layliyey Barcelona intii u dhexeysey 2008dii ilaa 2012kii inuu haatan tababare u yahay Man City. Real Madrid oo […]

UK: dad caan ah oo dalbaday in Mo Farah loo aqoonsado Sir

UK: dad caan ah oo dalbaday in Mo Farah loo aqoonsado Sir

Waxa sii kordhaya codsiyada ay soo jeedinayaan dad caan ah iyagoo dalbanaya in la siiyo Mo Farah derejada Sir, kadib markii uu ku guulaystay markii labaad biladda dahab ka ah orodka 10,000 oo mitir iyo 5000 mitir, kaas oo u horayna ugu guulaystay Olombikadii london sanadkii 2012kii. Orodyahankan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa noqday […]

Portugal waa horyaalka qaramada Yurub

Portugal waa horyaalka qaramada Yurub

Inkasta oo Ronaldo dhaawac ahaan ciyaarta looga saaray 25kii daqiiqo oo u horeeyey, hadana kabtanka Portugal guul uu la gaaro qarankiisa waxay u tahay riyo uu mudo kutaamayey oo u rumoowdey. Ronaldo oo horay ugu soo ciyaaray Man Utd haatana u dheela Real Madrid wuxu kula guulaystey 3 jeer koobka kooxaha qaarada yurub, sidoo kalena […]

Ciyaaraha: Wales oo taariikh cusub dhigtay

Ciyaaraha: Wales oo taariikh cusub dhigtay

Wales wexey 3-1 uga badisay Belgium wareegii sideed dhamaadka. 1958 ayey Weles gaartay sideed dhamaadka, taas oo ahayd guusha ugu weyn ee ay kubada cagta kasoo hooyeen. Caawa ayaa taariikh cusub waxa dhigay jiilka uu hor kacayo xidiga Real Madrid Gareth Bale oo ah laacibka ugu qaalisan dunida. Arbacada ayey fooda is daridoonaan Portugal, afar dhamaadka […]

Roy Hodgson macalinkii xulka Ingiriiska oo is casilay

Roy Hodgson macalinkii xulka Ingiriiska oo is casilay

Roy Hodgson ayaa shaqada ka tegey kadib markii Ingiriisku weji gabax kala kulmay Iceland. Iceland ayaa 2-1 uga badisay Ingiriiska, taas oo ka dhigan in Ingiriisku uu dhaafi waayey Wareega 16aad ee Euro 2016. Horyaalka Ingiriiska ayaa ka mid ah Horyaaladda ugu xiisahaha badan dunida looguna daawashada badan yahay, dhanka dhaqaalahana waa kan ugu horeeya. […]

Messi oo ka fariistay ciyaarihii qaranka Argentina

Messi oo ka fariistay ciyaarihii qaranka Argentina

Messi ayaa ka fariistay ciyaarihii xulka Argentina kadib markii uu lumiyey gool ku laad ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Copa America, Chile ayaa gool kulaad ku qaaday koobkii. Sagaalkii sanadood ee u dambeeyey afar cayaarood oo kama dambaysa ayaa Argentina koobka lagaga qaaday. Messi oo 29 jir ah waxa uu kooxdiisa Barcelona kula guulaystay sideed […]

Talyaaniga iyo Spain oo fooda isdari doona wareega 16aad ee Euro 2016

Talyaaniga iyo Spain oo fooda isdari doona wareega 16aad ee Euro 2016

Euro 2016 oo si xalad leh uga socda Faransiiska ayaa galay wareegyadii kala reebta, kooxdii laga badiyo ayaa boorsooyoonkooda xirxirandoona. Kulanka ugu adag wareeg 16aad ayaa dhex mari doona Talyaaniga iyo Spain. Euro 2012kii ayey ahayd cayaartii kama dambaysta marakay labadan kooxood isku arkeen, Spain ayaa kulankaa afar gool iyo eber ku badisay sidaasna koobkii […]

Sweden iyo Ireland oo barbar dhac galay

Sweden iyo Ireland oo barbar dhac galay

Xulalka qaranka Sweden iyo Jamhuuriyada Ireland ayaa 1:1 isku mari waayey ciyaaraha Euro 2016 ee ka socda Faransiiska. Ciyaaryahayn Hoolahan ayaa xulka Sweden u keenay daqiiqadii 48aad goolka kaliya ee ay heleen. Daqiiqadii 71aad ayuu ciyaaryahan Clark u keenay Ireland goolkii barbar dhaca. Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa loo arkayey inay guushu raaci doonto Sweden, […]

Spain si dirqi ah ayey kaga adkaatay Jamhuuriyada Czech

Spain si dirqi ah ayey kaga adkaatay Jamhuuriyada Czech

Xulka qaranka Spain ayaa 1:0 kaga adkaatay dhigooda Jamhuuriyada Czech, Ciyaaraha Euro 2016 oo maalintii afraad ka socda dalka Faransiiska. Ciyaaryahayka Piqué ayaa u saxiixay xulkiisa goolka keliya ee ay sida dirqiga ah ugu badiyeen daqiiqadii 87-aad. Ciyaarta oo ahayd mid adag oo la isku mari waayey. Spain oo lumisay weeraryahano ay mid yihiin Xavi iyo […]

Jarmalku 2:0 ayuu kaga badiyey Ukraine – Euro 2016

Jarmalku 2:0 ayuu kaga badiyey Ukraine – Euro 2016

Xulka Jarmalka ayaa kaga badiyey dhigooda Ukraine 2:0 ciyaaraha Euro 2016 oo maalintii sadexaad ka socda dalka Faransiiska. Goolka hore waxaa u dhaliyey daqiiqadii 19aad Mustafe, Halka daqiiqadii 92aad uu goolka labaad u keenay Schweinsteiger oo baas qurux badan ka helay Ozil. Poland ayaa dhankeeda 1:0 kaga adkaatay Woqooyiga Ireland oo ay ku wada jiraan Kooxda C. […]