Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland oo xilkii laga qaaday – Update

Xeer Lanbarkiisu yahay 23 kuna taariikhaysnaa 14 May, 2016 kana soo baxay  maanta 15 May Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xilkii lagaga xayuubiyey Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Gen.Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Afgaduud).

Markuu arkay Dastuurka Puntland, Markuu tixgeliyey talo soo jiidintii gudigii uu u xilsaaray dhibta iyo wadashaqayn la’aanta ka jirta Ciidanka Booliska, Wuxuu xilkii Taliyaha Booliiska ka qaaday Sareeye Guuto Afguduud ayaa lagu yiri Xeerka uu soo saaray Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas wuxuu shaqada ka eryey Taliyihii Ciidanka Birmadka G/le Sare Cismaan Xasan Cuuke (Afdaloow) isagoo u cuskaday sababo la mid ah kuwii uu xilka kaga qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska.

Taliye cusub .

Xeer kale oo sumadiisu tahay Lanbar 25 ayuu Madaxweynuhu si ku meel gaar ah ugu magcaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdirizaaq Ereg Faarax oo horay u ahaa taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidankaas.

Warsaxaafadeedka Madaxtooyadu ku shaaciday Xeerarkii Madaxweynaha.
Warsaxaafadeedka Madaxtooyadu ku shaacisay Xeerarkii Madaxweynuhu soo saaray.

Ereg mar wuxuu soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Mudug laakiin si lama filaan ah ayuu xilkaas isaga casilay.

Maxaynu ognahay.

Gen. Afguduud.
Gen. Afguduud.

Taliyayaasha maanta xilka laga qaaday ayaa gacanta isula tegey 5 May, 2016 taas oo sababtay in ilaaladoodu rasaas nool is weydaarsadaan halkaas oo uu ku dhaawacmay Wasiirkii Amniga isla markaana uu ku dhintay Sarkaal kale.

Dhacdadaas kadib Madaxweynaha ayaa u saaray Gudi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidamada ka tirsan inay soo baaraan sababta keentay gacan ka hadalkaas .

13 May ayey gudigaasi u gudbiyeen Madaxweynaha warbixintoodii waxayna u soo jeediyeeen inuu xilka ka qaado Taliyaha Booliska iyo kan Birmadka iyagoo ku eedeeyey in wada shaqayn la’aantoodu curyaamisay hawl maalmeedkii shaqo ee laamaha amaanka.

Falanqayn.

Sida uu fahansan yahay Warsidaha Faaqidaad gacan ka hadalka labada Taliye waxaa ka horeeyey muran mudo dheer soo jiitamayey kaas oo ku saabsanaa Taliska ay hoos imanayaan Ciidanka Birmadku.

Taliyaha Birmadka ayaa diiday inuu ka amar qaato Taliyaha Booliska isagoo ku doodayey inuu si toos ah u hoos tago Madaxtooyada taas oo si joogta ah uga caraysiinaysay Gen. Afguduud oo aaminsanaa in aan loo madax banaanayn hawlihiisii shaqo.

Xildhibaan Cabdicasiis Siciid Gacamey oo mar soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland xiligii Madaxweyne Cade Muuse ayaa Gudoominayey gudigii Madaxweynuhu u xilsaaray inay soo baaraan khilaafka la degey laamaha Amaanka iyadoo aan meesha laga riixi karin suurtagalnimada in si rasmi ah loogu magcaabo hogaanka Booliska.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.