Breaking News: Mursi waxa lagu xukumay xabsi daa’in

Maxkamad ku taal Masar ayaa maanta ku xukuntay xabsi daa’in Madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi, Kadib markii lagu helay denbiyo la xiriira basaasnimo.


Lix ka mid ah dadkii la eedaysnaa ayaa lagu riday xukun dil ah.

Waxaa lagu waayey eedaymihii horay loogu soo oogay kuwaas oo ahaa inuu qoraalo sir ah u gudbiyey dalka Qadar, Laakiin waxa lagu helay inuu hogaanka u hayey urur aan sharci ahayn.

Ciidamada ayaa xukunka ka tuuray sanadii 2013, Horayna waxaa loogu riday xukun dila kadib markii lagu helay denbiyo kale.

Maxkamadu lixda qof ee ay dilka ku xukuntay waxaa ka mid ah labo weriye oo ka tirsan TVga Al-Jazeera kuwaas oo ku eedaysan inay qoraalo la xiriira amaanka qaranka u gudbiyeen Qadar.

Xeer beegta ayaa leh xukunka maanta oo Sabti ah aanu ridnay waa laga qaadan karaa rafcaan.

Madaxii wararka Aljazeera Alaa Omar Mohammed iyo tafatirihiisii Ibrahim Mohammed Hilal ayaa la xukumay iyagoo ka maqan maxkamada.

Asmaa al-Khateib oo ka shaqayn jiray Rasd oo lala xiriiriyey Xisbiga Akhwaanul Muslimiin ayaa ka mid ah xubnaha la xukumay.

Maxamed Mursi oo maxkamada ku sugan.
Maxamed Mursi oo maxkamada ku sugan.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.a

Leave a Reply

Your email address will not be published.