Breaking News: In ka badan 700 oo soo galooti ah ayaa ku dhintay Badda Mediteraniyanka

In ka badan 700 oo soo galooti ah ayaa ku dhintay Badda Mediteraniyanka kadib markii ay ku qaraqmeen doonyihii ay saarnaayeen xeebaha dalka Liibiya dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, Sida ay sheegtay Hay’ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Doonidan 100 ka mid ah dadkii saarnaa waa la waayey.
Doonidan 100 ka mid ah dadkii saarnaa waa la waayey.

Doon ayaa ku degtay koonfurta Talyaaniga Arbacadii, Halka Khamiistii iyo Jimcihii qaxootiga isku deyeya inay soo gaaraan qaarada Yurub ay saarnaayeen doonyo aad u tayo liita.

Cimilada wanaagsan ee guga ayaa keentay inay si xawli ah u socdaan dadka isku deyeya inay soo maraan dariiqaa halista badan si ay isaga kala gooshaan Afrika iyo Yurub.

Carlotta Sami oo Afhayeenada u ah Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee loo yaqaan UNHCR ayaa faahfaahin ka bixisay doonyaha degey, Iyadoo tiri:-

  • In ka badan 100 qof ayaa la’layahay kadib markii doontii ay la socdeen ay degtey arbacadii, (Sawirka doontaasi waa sawirka kore xili lagu guda jiray in la badbaadiyo).

 

  • 550 Soo galooti ah ayaa la’layahay kadib markii ay degtey dooni ay la socdeen subaxnimadii Khamiista iyadoo Arbacadii ka soo baxday magaalada dekeda leh ee  Sabratha dalka Liibiya.




  • Doonta sadexaad ayaa degtay Jimcihii, 135 oo dadkii saarnaa ah waa la badbaadiyey, 45 qof oo meyd ah badda ayaa laga soo saaray, Tiro kale oo aan la cayimina waa maqantahay ilaa iyo hada.

Si kasta ha ahaatee Hay’ada MSF iyadu tirada dhimashada waxay ku sheegtay in ka badan 900 oo qof.

Dadkii masiibadaas laga badbaadiyey waxaa loo qaaday Dekedaha dalka Talyaaniga ee kala ah Taranto iyo Pozzallo.

HOOS KA DAAWO DADKII LA SOO SAMATABBIXIYEY.

Wixii war ah ee ku soo kordha gadaal ayaanu ka soo gudbin doonaa.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.