Jose Mourinho oo loo magcaabay inuu noqdo tababaraha Manchester United

Jose Mourinho ayaa loo magcaabay inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Manchester United, Sida ay fahansantahay BBC qaybteeda ciyaaruhu.

Jose Mourinho horay wuxuu tababare uga ahaa kooxda Chelsea.
Jose Mourinho horay wuxuu tababare uga ahaa kooxda Chelsea.

Mourinho ayaan hayn wax shaqo ah tan iyo intii laga cayriyey kooxda Chelsea bishii December, 2015.

Kooxda Manchester United ee uu hogaanka u hayey  Louis van Gaal ayaa ku guuldaraysatay inay u soo baxdo Champions League, Waana sababta ku riixday madaxda Old Trafford inay la yimaadaan isbedel cusub.

Waxaa la fahansanyahay in mabaa’diida heshiiska la isku afgartay sabtidii ka hor, Markaas oo kooxda Manchester United ku guulaysatay koobka FA Cup iyadoo 2-1 gool kaga adkaatay kooxda Crystal Palace.

Kooxda ayaa qorshahooda ku dhawaaqi doona todobaadka danbe bilowgiisa kadib marka ay u sheegaan Van Gaal in shaqadii uu hayey soo dhamaatay.

Louis van Gaal ayaa sii joogi doona xili ciyaareedka soo socda kooxda maadaamaa heshiiskii horay loola galay uu ku sinaa 3 sanadood.


Mudadii uu hogaanka hayey taageerayaal badan oo kooxda ah ayaa ka niyad jabsanaa habkiisa hogaamineed, Kooxduna mudadii labada sano ahayd kaalmaha sadexaad iyo afraad ayey ka galeen Premier League .

Mourinho ayaa ka mid ah tababarayaasha guulo la taaban karo ka gaaray ciyaaraha, Inuu kooxda meel sare gaarsiiyona waa mid la filan karo.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.