Booliska Somaliland ayaa ka warbixiyey askari maanta lagu dilay Berbera- Video

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ee Gobolka Saaxil ayaa ka warbixiyey askari ka tirsanaa Ciidankaas oo maanta lagu dilay magaalada Berbera.


Marxuumka la dilay ayaa lagu magcaabi jiray Cabdi Ismaaciil Muxumad wuxuuna ka mid ahaa ilaalada duqa Berbera, Halka gacan ku dhiig laha lagu sheegay magaciisa Naasir Jaamac Guuleed (Deex), Sida uu warbaahinta u cadeeyey Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Dalab Xandule.

Ciidanka Booliska ayaa ku macneeyey sababta dilkan muran dhinaca dhulka ah oo u dhaxeeyey Marxuumka iyo gacan ku dhiiglaha, Laakiin sida ay sheegeen waxaa booska lagu muransanaa waraaqo sharci ah u haystay marxuumka.

“Gacan ku dhiiglihii dilkaas geystay iyo labo walaalihii ah oo mid la hubo markii falku dhacayey inuu la socday waa la soo qabtay” Ayuu yiri Taliyihu.

Mudooyinkii danbe waxaa Somaliland ku soo badanayey dilalka qorshaysan ee loo geysto askarta kala duwan ee laamaha amaanka.

HOOS KA DAAWO SHIRKII JARAA’ID EE TALIYAHA BOLISKA G/ SAAXIL.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.