Binali Yildirim waa Raysal Wasaaraha cusub ee Turkiga

Xisbiga Cadaalada Iyo Darryeelka (AK) Party ayaa u doortay inuu noqdo Hogaamiyaha Xisbiga Binali Yildirim isagoo bedeli doona Ahmet Davutoglu oo shaaciyay horaantii bishan inuu iska casilay Hogaanka Xisbiga iyo Raysal Wasaaranimadii.

Xisbiga talada haya ee AKP ayaa doortay hogaan cusub.
Xisbiga talada haya ee AKP ayaa doortay hogaan cusub.

Axada ayaa lagu wadaa shir aan caadi ahayn oo xisbigu yeesho inuu xilka kula wareego.

Raysal Wasaaraha shaqada ka tegaya ayaa is casilay kadib markii ay Madaxweyne Ordogen isku aragti ka noqon waayeen dhowr arimood oo ay ugu horayso Madaxweynaha oo doonaya in laga guuro nidaamka Baarlamaaniga ah ee dalkaasi iminka ku dhaqamo, Loona guuro Madaxweynenimo ( Presidential) taas oo awoodo balaaran oo fulineed isaga siin doonta.

Heshiiskii Turkigu la gashay Midawgo Yurub oo Davutogl saxiixay kuna ogolaaday in Qaxootiga dib loogu celiyo ayaa la aamin sanyahay inay soo dedejisay iscasilaadiisa maadaama Madaxweynuhu aanu la dhacsanayn.

Waa kuma Binali Yaldarim?

Binali ayaa noqonaya Gudoomiyihii Sadexaad iyo Raysalwasarihii Afraad oo Xisibiga (AK) Party yeesho tan iyo intii ay la wareegeen talada Dalka Turkiga sanadii 2002.

Binali oo 60 jir ah, waxay saaxiib dhow yihiin Ordogan wuxuuna ka mid yahay asaasayaashii Xisbiga.


Laga soo bilaabo 2002 ilaa iminka waxa uu ahaa Xildhibaan iyo Wasiirka Gaadiidka isagoo gacanta ku hayey Mashruuca 2023, Kaas oo Turkigu ku beegsanayso in guulo waaweyn laga gaaro kaabayaasha dhaqaalaha intaan la gaarin Sanadguurada 100 aad ee ka soo wareegtay asaaska Jamhuuriyada Turkiga.

Mudadii uu xilka hayey wuxu fuliyey Mashaariic waaweyn oo laga xusi karo Tareenka dheereeya ee isku Xira Ankara iyo Magaalooyinka dhaca Gobolka Anatolia ee Konya iyo Eskisehir.

Yildirim wuxuu ku hadlaa Faransiiska iyo Engliska, Waana aabo leh sadex caruur ah.

Raysal Wasaaraha xilka ka degeya ayaa shalay gelinkii danbe kulan albaabadu u xiran yihiin kula qaatay qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha, Sida lagu shaaciyey barta rasmiga ah ee Madaxweyne Erdogan.

Soomaaliya ayaa Xiriir dhow la leh Turkiga, Kaas oo Xoogaysaytay kadib Markii Madaxweyne Ordogan booqasho aan la filayn ku tegey Muqdisho sanadii 2011 Xiligaas oo Dalka Soomaaliya ay ku dhufteen Abaaro xoog leh.

Shirkado laga leeyahay Turkiga ayaa gacanta ku haya Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho halka Turkish Airways ay  si joogta ah isaga kala gooshto Istanbul iyo Muqdisho.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.