Berlin: Turkigu nama handadi karo

Wasiiro ka tirsan Dowlada Jarmalka ayaa sheegay Midowga Yurub in aanu ogolaan doonin inay muwaadiniinta Turkidu ku soo galaan dalalkooda dal ku gal (Visa) la’aan.


Dowlada Jarmalka ayaa meel adag iska taagtay Turkiga kadib markii laba Wasiir sheegeen inay doonayaan in la xaqiijiyo in Ankara buuxisay dhamaan shuruudihii lagu heshiiyey hadii la rabo in Turkidu ku soo galaan Midowga Yurub dal ku gal (Visa) la’aan.

“Hadii aan la buuxin shuruudihii ku xirnaa sidii Turkida loogu ogolaan lahaa inay dal ku gal (Visa) la’aan ugu safraan Midowga Yurub, Ma jiri doonto dal ku gal (Visa liberalization) la’aan” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Jarmalka Thomas de Maiziere oo la hadlayey Wargayska the Funke Mediengruppe cadadkiisii soo baxay maanta oo sabti ah.

Brussels ayaa balan qaaday in muwaadiniinta Turkidu ay ugu safri doonaan Yurub dal ku gal (Visa) la’aan taas oo lagaga bedelanayey Ankara inay joojiso qaxootiga tirada badan ee ku soo qulqulaya qaarada.

Si taas loo dhaqan geliyo Turkiga ayaa laga doonayaa inuu buuxiyo 72 shardi, Oo ay ku jiraan inuu wax badan ka bedelo sharcigiisa la dagaalanka argagixisada si loo waafajiyo heerarka Yurub.

Tani waxay ku soo aadaysaa kadib markii Madaxweynaha Turkigu ku goodiyey in dalkiisu ka bixi doono heshiiskii qaxootiga ee ay la galeen Midowga Yurub hadii aan dadkiisa laga qaadin xayiraadaha dhinaca dalku galka ah ee saaran.

Wasiirka Cadaalada Jarmalka Heiko Maas ayaa dhankiisa sheegay maanta in aanay cajab gelin doonin hanjabaado.

“Anagu ma nihin kuwo la handado, Erdogaan waa hanjabi karaa intii uu doono” Ayuu yiri Heiko Maas oo Waraysi siiyey wargayska Neue Osnabrücker Zeitung.

Khilaafka banaanka u soo baxay wuxuu caqabad ku yahay heshiiskii qaxootiga ee horay loo gaaray, Sidoo kale wuxuu cadaadis saaray xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo 28 dal ee Midowga Yurub ka kooban yahay.


Qodobka ugu weyn ee la isku mari la’yahay ayaa ah sharciga la dagaalanka argagixisada ee Dalka Turkiga, Kaas oo la aaminsan yahay in loo adeegsado sidii loogu caburin lahaa warbaahinta, Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo Kurdida oo ah qowmiyad laga tiro badan yahay.

Saraakiil ka kala socda Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa kulmi doona todobaadka soo socda si ay xal ugu helaan khilaafkooda.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.