Bangladesh: Dilalka Qorshaysan Israel ayaa ku lug leh

Assaduzaman Khan Wasiirka Arimaha Gudaha Bangladesh ayaa ku eedeyay Israel inay ka dambayso Dilalka lagu beegsanayo Warfidiyeenada Afkaartoodu furfurantahay iyo Dadka laga tirada badanyahay.


Wuxu intaa raaciyey in hogaamiye ka tirsan Mucaaradka Dalkiisa uu la kulmay nin ka tirsan Sirdoonka Israel. ”Waxan haynaa cadaymo ina y jiraan mu’aamarado caalimaya oo naloo maleegayo”.

Ma bixin faahfaahin dheeraad ah. Israel ayaa ku tilmaantay eedaymahaas wax kama jiraan.

Dadka Dawlada dhaleecaya ayaa tilmaamay in Dawladu dafirsan tahay halka dhibku ka jiro, inta badan Dilalkan waxa horay u sheegtay Islaamiyiinta Mayalka adag.

Hadalka Wasiirka ayaa yimi maalin kadib markii Toogasho lagu dilay xaaska sarkaal sare oo Booliska ka tirsan oo baarayey dilalkan.

Assaduzaman Khan Wasiirka Arimaha Gudaha Bangladesh
Assaduzaman Khan Wasiirka Arimaha Gudaha Bangladesh

Xisbiga talada dalkaas haya ee Awami League ayaa horay dilalkan ugu eedayey xisbiga mucaaracdka ah ee Bangladesh National Party (BNP). Labada xisbi malaha xiriir wanaagsan ka gadaal doorashooyin natiijadooda lagu murmay  ee dhacay 2014.

Bangladesh lama laha xiriir Diblamaasiyadeed Israel wexeyna taageertaa qadiyada reer Falastiin.

Yaa la bartilmaameedsanayaa?

Dadka la beegsanayo oo tira ahaan kordhaya ayaa aad u kala duwan.

Warfidiyeeno, dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda bini’aadamka, Macalimiin jaamacadeed iyo dadka diin ahaan laga tirada badan yahay oo ay kujiraan Muslimiin Shiico ah, Suufiyiin iyo Ahmediya ayaa la diley, Sidoo kale masixiiyiin iyo Hindus ayaa la beegsaday.

Macada cida dhab ahaan ka dambaysa dilalkan, dadka lagu xukumay inay dilalkaa geysteen ayaan badnayn.

Bangladesh ayaa shaki ka muujisay inay dilalkan ka dambeeyaan Alqaacida Iyo Daacish, bedelkeedana waxey tuhunsanyihiin xisbiyada mucaaradaka ah.

Xukuumada Bangladesh ayaa wajahaysa eedaymo inaanay wax ku filan ka qaban dilalka qorashaysan ee socda.

Faaqidaad+ Wakaaladaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.