Baarlamaanka Soomaaliya oo qorshaynaya inuu laalo Aqalka sare

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wada qorshe uu dib ugu eegayo Dastuurka sidoo kale waxay ka doodayaan hanaanka lagu gelayo doorashooyinka sanadkan qorshahaas oo Golaha Wasiiradu u soo gudbiyeen ayna horay ugu soo heshiiyeen madasha wadatashiga qaran.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey Warsidaha Faaqidaad suurtagalnimada in meesha laga saaro aqalkii sare oo sida hada qorshuhu yahay doorashadiisu ka horayn doonto aqalka hoose.

“Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ayaa wata qorshahan” Ayuu yiri Mudane ka tirsan Baarlamaanka oo la hadlay Faaqidaad.

Wuxuu sii raaciyey in dhamaan Madaxweynayaasha maamul Goboleedyadu ay ka soo horjeedaan in Baarlamaanku wax ka bedelo qodobadii ay ku soo heshiiyeen.

Walaaca Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) mudadii uu ku sugnaa dalka Jabuuti waxaa xiriir la soo sameeyey koox Xildhibaano ah oo ka soo jeeda Puntland kuwaas oo uu ka mid ahaa Prof. Cabdirisaaq Juurile waxayna ku wargeliyeen inuu Muqdisho ka socod qorshe lagu laali doono aqalkii sare hadalkaas oo Madaxweyne Gaas ka caraysiiyey sida uu u xaqiijiyey Warsidaha Faaqidaad mid ka mid ah xubnihii markaas la fadhiyey.

Gudoomiye Ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad Cabdalla ayaa maalinimadii shalay soo gaaray magaalada Boosaaso halkaas oo uu kulan albaabadu u xiranyihiin kula yeeshay Madaxweyne Gaas.

“Gudoomiye ku xigeenku wuxuu la wadaagay Madaxweynaha dadaalada Gudoomiyaha Baarlamaanku ku doonayo in wax lagaga bedelo qodobadii madashu ku soo heshiiyeen” Ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Madaxtooyada Puntland balse ka gaabsaday in la magac dhabo.

Puntland waxay eedaysay Gudoonka sare ee Baarlamaanka.
Puntland waxay eedaysay Gudoonka sare ee Baarlamaanka.

Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay Dowlada Puntland ayaa si adag loogu dhaleeceeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta wax ka bedel lagu sameeyo  qodobadii Madashu ku heshiiyeen.

“Puntland waxay u argtaa hab dhaqanka gudoonka sare ee Baarlamaanka mid dalka gelinaya jaah wareer iyo in la carqaladeeyo doorashooyinka 2016” Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland .

Dowlada Puntland waxay u sheegaysaa umada Soomaaliyeed in gudoonka sare ee Baarlamaanku uu majoxaabinayo hanaanka doorashooyinka dalka sida ka muuqata hab dhaqankoodii shaqo ee ay maalmahan wadeen ayaa lagu sii yiri Warsaxaafadeedka.

Dib u eegista Dastuurka.

Waxaa lagu waday inuu Garoowe ka dhaco shir dib loogu eegayo Dastuurka inta u dhaxaysa 10 ilaa 20 May 2016 sida uu dhigayey warmurtiyeedkii ka soo baxay madasha wadatashiga qaran shirkoodii ka dhacay Muqdisho 12 April 2016.

Shirkaas ayaan qabsoomin lamana garan karo sababta dib u riixday laakiin Warsaxaafadeedka ka soo baxay Dowlada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxda Dowlada Federaalku ka codsadeen in shirkaas dib loogu dhigo 25 May.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sh. Maxamuud ayaa cadaadis ka haystaa beelaha dega Gobolka Banaadir oo si weyn uga carooday in aan Gobolkaas wax saami ah laga siin aqalka sare waana tan la rumaysan yahay inay ku khasabtay ka shaqaynta sidii loo laali lahaa aqalkaas.

Dib u milicsi.

Heshiisyadii Garoowe kow iyo Labo ee Soomaaliya kaga baxday marxaladii KMG ahayd ayaa dhigayey in la dhiso Aqal sare kaas oo qorshuhu ahaa xataa inuu ka qayb galo doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay sanadii 2012 laakiin ma hirgelin waxaana genefka ku dhuftay dowaldii xiligaas iyadoo sababa ka dhiganaysay in aanay dhisnayn Dowlad Goboleedyadii soo xulan lahaa xubnihii meteli lahaa.

Warsaxaafadeedka Dowlada Puntland ayaa lagu celceliyey inay aqbaleen hanaankii 4.5 iyagoo eegaya danta umada Soomaaliyeed sidaa darteedna loo baahan yahay in aan la khalkhal gelin heshiiyadii hore.

Heshiiskii Garoowe ma dhaqangeli doonaa? Waa warbixin uu horay warsidaha Faaqidaad u diyaariyeay halkan hoose ka daawo.

Faaqidaad.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.