Baarlamaanka Puntland oo kuraastii caaga ahayd laga bedelay

Baarlamaanka Puntland waxaa laga bedelay kuraastii caaga ahayd ee ay ku fadhiisan jireen oo ku hayey dhibaato, mudo dheerna ay dalbanayeen in laga bedelo.


Maanta ayaa lagu baraarugay hoolka baarlamaanka oo u qaabaysan si caalami ah ayna yaaliin kuraas la dhigan kuwa ay ku fadhiistaan baarlamaanada dunidu.

Saadiq Abshir Garaad iyo Cabdicasiis Siciid Gacameey oo ka tirsan baarlamaanka Puntland.
Saadiq Abshir Garaad iyo Cabdicasiis Siciid Gacameey oo ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland wuxuu booqday xarunta baarlamaanka si uu u furo kalfadhigii 39aad, markaas oo warbaahintu fursad u heshay inay soo tebiso isbedelkan cusub.

Baarlamaanka waxaa loo dhigay kuraas oo soo jiidasho leh, halka Xildhibaan kasta loo sameeyey miis uu ku xiranyahay cod baahiye uu ku hadlo.

“Tani waa talaabo muhiim ah, maadaama uu yahay baarlamaanku mid ka mid ah muraayadaha laga dheegto maamulka” Sida uu aaminsanyahay Faaqidaad.

Hoolka baarlamaanka Puntland oo yeeshay muuqaal caalami ah.
Hoolka baarlamaanka Puntland oo yeeshay muuqaal caalami ah.

Xildhibaanadu ma haysan jirin cod baahiyayaal ay kaga qayb galaan doodaha iyagoo ku khasbanaa inay soo kacaan marka ay aragtidooda dhiibanayaan.

Mudanayaal mudo dheer ka tirsanaa Golaha Wakiilada ayaa ka caban jiray dhabar xanuun qaarkoodna waxay dhakhtaro u aadeen dibadaha.


Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) wuxuu ku guulaystay inuu ka saaro Puntland qalalaasihii ay ku jirtay uuna u jiheeyo waxqabad iyo horumar.

Madaxweyne Gaas wuxuu furay maanta kalfadhigii 39aad ee baarlamaanka.
Madaxweyne Gaas wuxuu furay maanta kalfadhigii 39aad ee baarlamaanka.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.