Baarlamaanka Giriiga oo isu diyaarinaya inay cod u qaadaan deymo cusub

Baarlamaanka Giriiga ayaa doodii ugu danbaysay maanta ka yeelanaya qaabayn lagu samayn doono dhaqaalaha dalkaas ka hor inta aysan cod u qaadin.

Waxaa barbar socda doodaas dibad baxyo iyo shaqo joojin si dadweynuhu u muujiyaan diidamada barnaamijkaas oo lagu meel marinayo isbedelo cusub dhinacyada canshuuraha iyo dhaqaalaha la siiyo dadka hawl gabka ah.

Dadweyne ku banaan baxaya Baarlamaanka Giriiga hortiisa.
Dadweyne ku banaan baxaya Baarlamaanka Giriiga hortiisa.

Qorshahan gunti isku giijiska ah Giriigu wuxuu ku bedelan doonaa deyn cusub oo dhan 5.4 Bilyan oo Euro taas oo qayb ka ah qorshayaal xanuun badan oo dib loogu qaabaynayey dhaqaalaha dalkaas kuwaas oo ay dul dhigeen Midowga Yurub iyo Hay’ada lacagta aduunka ee IMF si dalkaas looga badbaadiyo inuu gebi ahaanba kaco.

Raysal Wasaaraha dalkaas Alexis Tsipras ayaa ugu baaqay Baarlamaanka inay meel mariyaan qorshayaashan isagoo rajaynaya kulanka maalinta Isniinta ah ay yeelan doonaan Wasiirada Maaliyada dalalka ku bahoobay lacagta Euro inay fasaxaan lacagaha dalkaasi la siin doono.

Hay’ada lacagta aduunka ayaa aaminsan balanqaadyada uu sameeyey dalka Giriigu inaysan ahayn kuwo la isku lahayn karo mustaqbalka fog.

Faaqidaad + Wakaaladaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.