Tuulo ku taal Cumaan oo sadex saacadood oo keliya laga soomo- Video

Tuulo ku taal Cumaan oo sadex saacadood oo keliya laga soomo- Video

Celcelis ahaan Muslimiinta ayaa sooma 15 saacadood maalin walba, Iyadoo meelaha qaar cadceedu aad u kulushahay. Dalalka qaar waxa laga soomaa saacado intaa ka yar tusaale ahaan Malaysia waxa la soomaa 13 saacadood iyo 36 daqiiqo, Halka Koonfurta Ustaraaliya laga soomo sagaal saacadood oo keliya! Laakiin Tuulo ku taal dalka Cumaan ayaa laga soomaa 3 saacadood iyo […]

Turkiga: Qarax xoogan ayaa lala beegsaday bartamaha Istanbuul

Turkiga: Qarax xoogan ayaa lala beegsaday bartamaha Istanbuul

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qarax xoogan oo lala beegsaday gaari ay wateen Boolisku oo marayey bartamaha Magaalada Istanbuul, Sida ay sheegayaan saraakiishu. Miinooyinka meelaha fog laga hago ayaa ku qarxay Bas ay ciidanku saarnaayeen Degmada Beyazit subaxnimadii hore ee maanta. Gaadiidka deg dega ah ee gurmadka caafimaadka iyo kuwa dabka damiya ayaa […]

Bangladesh: Dilalka Qorshaysan Israel ayaa ku lug leh

Bangladesh: Dilalka Qorshaysan Israel ayaa ku lug leh

Assaduzaman Khan Wasiirka Arimaha Gudaha Bangladesh ayaa ku eedeyay Israel inay ka dambayso Dilalka lagu beegsanayo Warfidiyeenada Afkaartoodu furfurantahay iyo Dadka laga tirada badanyahay. Wuxu intaa raaciyey in hogaamiye ka tirsan Mucaaradka Dalkiisa uu la kulmay nin ka tirsan Sirdoonka Israel. ”Waxan haynaa cadaymo ina y jiraan mu’aamarado caalimaya oo naloo maleegayo”. Ma bixin faahfaahin dheeraad […]

Jarmalka: Cumar Daacad wuxuu goostay inuu dib ugu laabto Soomaaliya

Jarmalka: Cumar Daacad wuxuu goostay inuu dib ugu laabto Soomaaliya

Cumar Axmed Cali (Daacad) wuxuu ka mid ahaa kumanaanka Soomaalida ah ee ku soo jabay qaarada Yurub, Isagoo u huray naf iyo maal sidii uu ku gaari lahaa. Bilooyin safaro adag ah oo mararka qaarkood qabrigu u soo dhowaaday wuxuu ku guulaystay inuu gaaro halkii hankiisu ahaa. Sanadii 2014 ayuu cago dhigtay Jarmalka. Dowlada Jarmalka ayaa […]

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhadhaab booqday

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhadhaab booqday

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegey xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Halkaas oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo Soomaali ah. Wuxuu la kulmay horjoogayaasha qaxootigaas oo mudo rubuc qarni ka badan ku noolaa xeryaha Dhadhaab oo ku yaala Gobolka Woqooyi Bari ee Dalka Kiinya. Safarkaas waxaa ku weheliyey masuuliyiin […]

David Cameron wuxuu Muslimiinta ugu hambalyeeyey Bisha Ramadaan

David Cameron wuxuu Muslimiinta ugu hambalyeeyey Bisha Ramadaan

Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameron ayaa ugu hambalyeeyey Muslimiinta ku nool guud ahaan dunida iyo kuwa ku dhaqan dalkiisa dhalashada bisha Ramadaan. Cameron wuxuu soo hadal qaaday dagaalka sukeeye ee ka socda dalka Suuriya, Isagoo leh waa in laga faa’iideysto bishan oo laga shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa. HOOS KA DAAWO FARIINTA CAMERON. Faaqidaad