Australia oo u hogaansatay hanjabaadii Ruushka

Australia waxay ku dhawaaqday inay joojisay duqayntii ay ka waday Suuriya taas oo dabo socota hanjabaad uga timi Ruushka xulufada ay xubinta ka yihiin ee Maraykanku hogaamiyo.


Wasaarada Gaashaandhiga Australia ayaa sheegtay inay u qaaday talaabadan si ay uga taxadarto isku dhac ciidan, sida ku cad qoraal ay soo saartay maanta oo Talaata ah.

Ruushku oo ka carooday diyaarad laga soo riday Suuriya ayaa ku hanjabay gantaaladiisa difaacu inay beegsan doonaan diyaaradaha xulufada hadii ay soo galaan aaga uu ka hawlgalo.

Diyaaradaha dagaalka Australie.
Diyaaradaha dagaalka Australia.

Sidoo kale, Moosko waxay ka baxday heshiis ay horay ula gashay Washington oo dhigayey inay si joogta ah u wada xiriiraan si aysan isugu dhicin ciidamadooda ku sugan Suuriya.

Australia waxay sheegtay inay sii wadi doonto duqaynta ay ka wado Ciraaq, isla markaana ay si dhow ula soconayso Suuriya ayna dib uga hawlgeli doonto marka xaaladu hagaagto.


Australia waxaa ka jooga Bariga Dhexe 600 oo askari, kuwaas oo fuliya hawlgalo isugu jira duqayn, basaasid iyo inay shidaal hawada ku siiyaan diyaaradaha wax duqeeya ee xulufada.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.