Breaking News: Al-Shabaab “43 ayaanu ka dilnay Ciidanka Itoobiya”

Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday subaxnimadii hore ee Khamiista saldhig ay Ciidanka Itoobiya ku lahaayeen Gobolka Hiiraan.


Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayey la beegsadeen albaabka hore ee xerada. Kadib maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa labo jiho ka soo weeraray kuwaas oo ugu dan’bayntii u daatay xerada.

“Waxaa dhacay qarax weyn kadib waxaa xigtay rasaas xoog leh oo la is weydaarsanayey” Ayuu yiri Cismaan Aadan oo degen meel u dhow halkaas.

Sarkaal ka tirsan Dowlada oo diiday in la soo xigto magaciisa ayaa sheegay in khasaare xoog leh soo gaaray Ciidanka Itoobiya waloow ay si weyn isaga caabiyeen weerarkaas.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ka duulay Magaalada Beledweyne ayaa gurmad ahaan u gaaray tuuladii xerada la soo weeraray ku taalay oo lagu magcaabo Halgan.

Kooxda Al-Shabaab oo adeegsanaysa boga ay ku leeyihiin aalada fariimaha la isugu diro ee Telegraam ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen ugu yaraan 43 ka tirsan Ciidanka Itoobiya.

“Mujaahidiintu waxay galeen fariisin ay Ciidanka Itoobiya lahaayeen in badan oo ka mid ahna waa xasuuqeen” Ayaa lagu yiri qoraalka ay baahiyeen Al-Shabaab oo ah koox xagjir ah oo xiriir dhow la leh ururka Al-qaacida.

Ciidamo Itoobiyaan ah, Sawir kayd ahaa.
Ciidamo Itoobiyaan ah, Sawir kayd ahaa.

Horay waxay weeraro noocan oo kale ah ugu qaadeen Ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Kiinya, Ugandha iyo Burundi, Waase markii ugu horaysay oo Al-Shabaab weerar noocan oo kale ah ku qaado Ciidanka Itoobiya.

Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya u soo daad gureeyey kumanaan Ciidamo nabad ilaalin ah si ay uga qayb qaataan sidii loo dejin lahaa dalka dagaalada sukeeye la degeen ee geeska Afrika.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.