Akhundzada wuxuu noqon doonaa hogaamiyaha cusub ee Talibaan

Kooxda Talibaan ee dalka Afqaanistaan ayaa ku dhawaaqay hogaamiye cusub kaas oo bedeli doona Mullah Akhtar Mansour oo Maraykanku ku dilay duqayn dhinaca cirka ah.

Hogaamiyaha cusub ee Talibaan.
Hogaamiyaha cusub ee Talibaan.

Bayaan ka soo baxay kooxda Talibaan waxay markii ugu horaysay ku qirteen dhimashada hogaamiyahoodii hore Mansour, Iyagoo Mawlawi Hibatullah Akhundzada u magcaabay inuu noqdo masuulkii bedeli lahaa.

Dadka faaleeya arrimaha siyaasada ayaa aaminsan kooxdu inaysan bedeli doonin jihadoodii hore inta uu hogaanka hayo Akhundzada oo ah ruux aad u mayal adag.

Sanadkii tegey 2015 Kooxdu waxay madaxa la gashay jaah wareer markii loo doortay Mansour inuu bedelo asaasihii kooxdaas Mohammad Omar.

Maraykanka ayaa ku dilay weerar dhinaca cirka ah oo uu la beegsaday gaari uu watay Mansour isagoo markaas marayey Gobolka Balochistan ee dalka Pakistaan.

Intuu hogaanka hayey Talibaan waxay diideen inay ka qayb qataan wada hadaladii nabada, Isagoo sii kordhiyey weerarada kooxdu qaado.

Akhundzada oo ahaa ku xigeenka Mansour wuxuu horay u soo noqday madaxa Maxkamada Talibaan.


“Hibatullah Akhundzada waxaa loo magcaabay inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee Imaarada Islaamiga ah (Talibaan) kadib heshiis loo dhan yahay oo ay gaareen Golaha shuuradu ( Golaha Sare), Dhamaan xubnaha Goluhuna waxay u balan qaadeen inay daacad u noqon doonaan” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay kooxda.

Sidoo kale waxaa qoraalkaas lagu xusay in Mullah Mohammad Yaqoob oo ah wiil uu dhalay asaasihii kooxdaas Mullah Omar uu noqon doono Hogaamiye ku xigeen, Wuxuuna jagadaas la hayn doonaa Sirajuddin Haqqan oo horay u ahaa ku xigeen.

Raysal Wasaaraha Dalka Afqaanistaan ayaa ugu baaqay hogaamiyaha cusub inuu ku soo biiro miiska wada hadalka.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.